Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda magacaabaya Golaha Wasiirada

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay dhawaan inuu soo magacaabayo Golaha Wasiirada Maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Kismaayo, ayaa tilmaamay inaysan jiri doonin muddo kororsi dambe oo ku aadan waqtiga soo magacaabista Golaha Wasiirada Jubbaland, isaga oo sheegay in hada kadib wixii la fishaa ay tahay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Wuxuu tilmaamay hadal haynta ugu badan inay ka taagan tahay dhismaha Maamulka oo dhameystiran, balse dhawaan la soo dhameystiri doono.

“Waxaan sugnaaba hada waa Dowladii aaway iyo muddo kororsi dambe miyaa la sugayaa Insha Allah warkaasi wuu iska soo dhamaan doonaa.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Kismaayo Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqaya maalmaha soo socda Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa oo dhameystiran.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Siyaasiyiin kala duwan oo doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaasi, waxaana la sheegayaa in Hotelada Magaalada ay yihiin kuwa camiran

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa Baarlamaanka Maamulkiisa saddex jeer weydiistay in la siiyo Waqti uu ku soo dhiso Gole Wasiiro, iyadoo markaasi ay taagnaayeen caqabado u baahnaa in laga gudbo si loo xaliyo beelaha qaar oo tabasho ka muujinaayay maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here