Ciidan Mareykan ah iyo Al-shabaab ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

0

Ciidamo Mareykan ah oo wata Diyaaradaha Dagaalka ayaa Xalay Saqdii dhexe waxaa ay Weerar ku qaadeen Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay Maamulaan Xarakada Al-shabaab.

War lagu Qoray Warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo Mareykan ah oo wata Ilaa Dhowr Diyaaradood ay Weerar ku soo qaadeen Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana ay sheegeen Shabaab in Dagaal Mudo Kooban qaatay inuu dhexmaray Shabaab iyo Ciidamada mareykanka ah.

Saraakiil u hadlay Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in War Biyaha laga Cabo oo Tooratoorow u jirta 2 KM ay kula Dagaalameen Ciidanka Mareykanka ah,balse Shabaab ma sheegin Khasaaraha Weerarkaas ka soo gaaray.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama hadlin Weerarka lagu qaaday Shabaab ee ay Fuliyeen Ciidanka Mareykanka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa Howlgallo Nuucaan oo kale ah ka fulisay Gobolka Shabellaha Hoose iyo sidoo kale qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here