DAAWO: R/wasaare Kheyre oo Maanta Kormeer ku Tagey Meel Q/M Ka Wado…

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Isku Xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, waxaana qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka uu ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee abaarta ka jirta Soomaaliya.

Habka gar gaarka loo gaarsiinayo deegaanada Abaaruhu ka jiraan ayaa la sheegay inuu kala hadlay Hey’adaha Qaramada Midoobey, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa inuu kala sheekeystay sida loo wadaagi karo macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gar-gaarka deg-degga ah.

Waxaana sidoo kale kulanka uu ku saabsanaa sida ay iskula shaqeyn karaan Gudiyada dowlada Soomaaliya iyo Qaramada midoobey kala maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa la sheegay inuu kulan gaar ah la qaatay ra’isul wasaaraha Soomaaliya,waxaana la sheegay inay ka wada hadleen sidii QM ay si deg deg ah uga qeyb qaadan laheyd gurmadka deg deg ah ee dadka abaartu saameysay loo sameynayo.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here