DEG DEG:- Isgaarsiinta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Hawada ka maqan

0

Wararka laga helayao Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in gabi ahaan Magaaladaasi laga saaray mid ka mid ah Isgaarsiintii ka jirtay, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay Dadka Degaanka.

Arintan ayaa timid kadib markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta oo ku yaalla Magaalada Marka kadibna ay hawada ka saareen adeega isgaarsiinta Shirkadaasi.

Mid ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in adeegan isgaarsiinta ee ka maqan hawada Marka si xoogan ay u saameysay qeybaha kala duwan ee Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Inkastoo Wararka kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha shirkadaasi Isgaarsiineed hawada looga saaray ayaa hadana waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Shirkada iyo Maamulka Degmada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here