Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan la qaatay shir Ergayga Gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Guddoomiye Cumar ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga caasimadda iyo taageerada Qaramada midoobay ee Xaqiijinta nabadgelyada.

Waxa ay sidoo kale diiradda isla wada saareen dardargalinta arrimaha hormarinta sida dhismaha Wadooyinka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca Caasimadda.

Mr Swan ayaa dhankiisa Balan qaaday in ay xoojin doonaan Wadashaqaynta Tooska ah oo ay la leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalan ay kaalin taageero la garab taagnaan doonto Gobolka Banaadir