Golaha wasiirada oo ka shiray weerarkii xalay.

0

Kulankii maanta Golaha Wasiirada ay Ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xalay ka dhacay Maqaayada Pizza House Kaas oo galaaftay Nolasha dad ka badan 20 ruux.

Goluhu waxay isla garteen in ay aheyd fal danbiyeed culus oo la galay iyo in ciidamada Amaanka ay Ku dadaaleen Badbaadinta Shacabkii halkaasi Ku sugnaa.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa laga dhageestay warbixinta Amniga Guud Ee dalka waxa uuna sheegay in Ciidamada ay Ku guuleesteen Amniga Magaalada oo ay ka adkaadeen Al-Shabaab.

Wasiirada ayaa soo gaaray awaamiir kale oo Amniga waxayna Ku baaqeyn xaalad feejignaan ah oo dhinaca Amniga Ku Aadan.