Kenya oo la wareegtay shir gudoonka golaha amaanka ee QM ka hor go’aanka ICJ.

0

Dowlada Kenya ayaa jumcihii shalay la wareegtay xilka madaxtinimada meertad ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishaan bilowga ah ee Oktoobar.

Kenya, ayaa bishii Juun 2020 muddo laba sano ah loo doortay xubinimada aan joogtada ka ahayn Golaha waxaana ku wehliya dalalka India, Ireland, Mexico iyo Norway, tan ayaana ka dhigan in Kenya guddoomin doonto shirarka golahan ka kooban 15-ka dal.

La wareegitaanka Kenya ee shir-guddoonka golaha ammaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Maxkamada Cadaalada Aduunka ICJ lagu waddo in 12-ka bishan October shaaciso xukunka dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Golaha Ammaanka, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalisa nabadda iyo amniga caalamiga ah, ayaa qorshuhu yahay in qaar kamid ah kulamada uu guddomiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta isaga oo jooga Nairobi.

Ajandaha ugu sarreeya waa arrimaha nabadda iyo amniga gobolka, tahriibinta hubka, sinnaan la’aanta tallaalka Covid-19, aqoonsiyada qowmiyadeed, isbeddelka cimilada iyo xiriirka kooxaha gobolka.

Muddo xileedka Kenya ayaa imanaya xilli ay jirto walaac isa-soo-taraya oo ku saabsan qaybinta tallaallada adduunka oo dhan oo Afrika ugu yar tahay.

Martin Kimani, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay habeenimadii Khamiista in hogaaminta Golaha ay tahay mas’uuliyad weyn, laakiin wuxuu xaqiijiyey in Kenya ay u taallo hawsha.

“Madaxweynuhu wuxuu martigelin doonaa dood furan oo hal ku dhiggeedu yahay; ‘kala duwanaanta, dhismaha dalka iyo baadigoobka nabadda’ taas oo qeyb ka ah ajandaha dhismaha nabadda, sidoo kalena 28-ka October waxaa jiri doonta dood heer sare ah oo ku saabsan iskaashiga u dhaxeeya QM, ururro-goboleedyada iyo ururrada ka sii hooseeya,” ayuu yiri safiir Kimani xilli uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Safiir Kimani ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay howlo kale oo ay Kenya garwadeen ka tahay oo ay ka mid yihiin booqashada dalalka Mali iyo Niger laga bilaabo October 22 ilaa 26.

 

Dalalku waxay guddoomiyaan kulamada Golaha muddo bil ah iyadoo meertada lagu saleeyo kala horeynta xarfaha luuqada English-ka dal kasta oo kamid ah golahan awooda badan.