Madaxweynaha oo shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka

0

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Gelinkii Dambe ee Shalay  shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha ciidamada, wasiirada amniga ayaa looga hadlay qaraxii iyo weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Maqaayado caan ahaa oo ku yaala degmada Hodan.

Waxaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha ciidamada, qaabkii uu weerarka dhacay, dadaaladii ay sameeyeen ciidamada ammaanka iyo tallaabooyinka la qaaday weerarka kaddib.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaa la sheegay in la isla soo qaaday in la xoojiyo amniga Caasimada, howl galada amniga ee socda, isla markaana la qaado tallaabooyin looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ka geystaan goobaha shacabka.

Sidoo kale Laamaha ammaanka ayaa la faray awaamiir kala duwan, iyadoo la sheegay in cid walba lagula xisaabtami doono mas’uuliyadeeda.

Ma jirto wax war ah oo laga soo saaray shirkan deg dega ah ee Guddiga Amniga Qaranka ay galabta yeesheen,

Weerarkii  Habeen hore Al-Shabaab ku qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad sodon ruux oo u badnaa dad rayid ah oo ay ku jireen haween, ciidamada ammaanka ayaa 10 saacadood kaddib soo afjaray howl galka ka socday maqaayada Pizza House oo ay heysteen dabley hubeysan.