Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay Madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa waxa ay labada mas’uul ugaga hadleen xaaladda siyaasadeed iyo tan doorasho ee dalka sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow kulankaas

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu sidoo kale la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Guudlaawe ayaa noqonaya mas’uulkii labaad ee heer Dowlad Goboleed ah oo la kulmay hoggaanka Midowga Musharixiinta tan iyo markii dibadbaxyada ay ka qorsheeyeen Muqdisho, isla markaana ay hor istaagtay Dowladda Federaalka.