Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ka walaacsan Warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay Dowladda Kenya, kaasi oo ku aadan in la xirayo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku noolyhiin Boqolaal Kun oo Qaxooti ah.

Hay’adda UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan wada hadalada u socda Dowladda Kenya, si looga baaqsado xiritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalkaasi Kenya.

UNCHR ayaa ka dalbatay Madaxda Dowladda Kenya in ay ka fiirsadaan go’aanka la doonayo in albaabada la isugu laaba Xeryahaasi Qaxootia iyo caqabadaha ka imaan kara hadii la xiro.

Hay’addan waxaa sidoo kale ay qeexday in xoog ama qasab lagu celiyo Qaxootiga in ay noqoneyso mid lagu jibinayo Sharuucda Caalamka.

Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan 463,000 oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ka soo cararay colaado iyo abaaro isbiirsaday oo ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Marka laga tago hadalka Hay’adda UNHCR, Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday sii furnaanshaha Xeryaha in ay khatar ku tahay xasiloonida iyo dhaqaalaha Dalka Kenya.

Xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab ayaa qiyaas ahaan 100Km dhanka Waqooyi Galbeed waxey uga beegan tahay Magaalada Gaarisa.

Hadalka ku aadan in la xiro Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa soo bilaawday tan iyo bishii April ee Sanadii 2015 markii Xarakada Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa.

Weerarkaasi xooganaa ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 142 Ruux oo u badnaa Arday wax ka baranayay Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa cambaareyn xoogan kala kulantay Hay’adaha u dooda Xaquuqul Insaanka sida HRW iyo Amnesty international, kuwaasi oo ka soo horjeestay go’aanka ay ku dooneyso in lugu xiro xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here