Xasuuq Balaaran oo ka dhacay wadanka Suuriya

0

Duqeyn culus oo dhanka cirka ah oo lagu qaaday deegaanada ay ganacta ku hayaan fallaagada ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen in ka badan 100 qof saacada un kaddib markii Mareykanka iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen qorshahooda xabbad joojinta.

Ugu yaraan 58 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena way ku dhaawacmeen weerar ay diyaarado ku qaadeen magaalada Idlib ee ay mucaaradka Suuriya gacanta ku hayaan.

Magaalada Xalabna, 45 qof ayey wararku sheegayaan inay ku dhinteen weerar lagu qaaday xaafado ay dad rayid ah degan yihiin.

Weeraradani waxay dhaceen maalin un kaddib markii Mareykanka iyo Ruushku shaaciyeen inay isla meel dhigeen heshiis ay doonayaan in lagu soo afjaro colaadda ka socota Suuriya oo ay ka mid tahay xabbad joojin la filayo inay dhaqan gasho maalinta Isniinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here