Muna Axlaa “Diidmada Kor Joogtada Bulshada Rayidka waxaan u arkaa mid lagu Maja xaabinayo Hanaanka Doorashada”

0

Si loo  ambaqaado iney wax walba kala cadaadaan oo ay Doorashada soo socotaahi u noqoto mid lagu kalsoon yahay oo ay qadariyaan Beesha caalamka iyo Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa Guddiga doorashadu waxay dhawaan Hortaageen KorJoogto  Bulshadda Raidka kuwaa oo loo tababarey in ay Kor Joogto ka noqdaan Doorashada 2016 . hadaba si aan wax badan uga ogaano Doorka Bulshada rayidka ee ay ku leeyiin Doorashooyinka ayaa waxaan wareysi la yeelaney Gabadha la yiraahdo Muna Xasan Maxamed (Muna Axlaa) oo Dhowr Doorasho oo Caalami ah ka qayb gashey iyadoo Mataleysa bulshada Rayidka wuxuuna u dhacay wreysigii Sidatan

Waxaan Nooga warantaa  Doorashooyinka caalamiga ee aad KorJoogtada ka nqotey waxayna Muna Axlaa ay Ku Jawaabtey “ Ilaa  Dhowr wadan ayaan tagey oo Korjoogto ka noqdey Doorashiooyin dhacay waxaana ka mid ahaa Dalka Koonfur Afrika , Lesotho., Zambia iyo Ruwanda dhamaantood waxaa Kormeerayey Korjoogto ka sooctey Beesha Caalamka Bulshada rayidka

Waxaa Nooga warantaa Doorka Bulshadda Rayidka ee Korjoogtada Doorashooyinka waxayan Muna Tiri “ Bulshada Rayidka Muhiimada Dunida ka leeyihiin waa wax weyn, Bulshadda rayidka waa Dadka Keliya ee Mateli kara, Kan Run Sheegi kara in ay dhacdey Doorasho Xalaal, Waxaan ka qayb galey oo Korjoogto ka noqdey aniga oo Bulshada Rayidka ka socda Wadamo Afrikaan ah  gaar ahaan Wadanka Lesotho oo ah Wadan Boqortooyo ah  oo aan ka mid ahaa dadkii Observe-ka ahaa , Waxaan kaloo ka qayb galey oo Korjoogto ka noqodey Wadamada Koonfurt afrika, Zambia,iyo Ruwanda sidaa darteed Bulshada Raidka mar waliba waxaa la siinayey Muhiimad gaar ah waxay intaa sii raacisey

“Xaqiiqda Meelaha aan tagey Bulshada Rayidka ee Korjoogtada ahaa waxay ka sareeyeen  Madaxdii iyo weliba Dowladihii Imaanayey, Qiimeyn Gooni ah baan lahayn, inta badan warbixinada waxaa laga dhageysanayey Bulshadda Rayidka, Sidaa Darteed marka laga hadlayo arrimaha Dooroshooyinka Sidaa Darteed Bulsho Rayid wuxuu Wadan ku noqdaa Hadaba sida Bulshada Rayidka Goob Joog uga nodaan oo ay la socdaa Mar Xaalada Doorashooyinka,waxaa jira System  la Isticmaalo oo ah GBRS oo aan laga been sheegi Karin sida ay doorashada u socoto taasoo lagu Xareeynayo (Data Collection) marka Bulshada Rayidka waa laga maarmaan in ay korjoogto ka noqto Doorashooyinka “

Waxaan weydiiyey  Doorashada Soomaaliya ee 2016 waxayna ku jawaabtey Muna Axlaa “Soomaaliya inta badan waa Wadan Musuqmaasuq uu la dagey , marka waa laga maarmaan in la helo Bulsho rayid oo u diyaargarowda in ay Goob Joog ka noqdaan Doorashooyinbka , marka waa laga maaarmaan in la helo Bulsho rayid oo Goob joog ka noqota Doorashooyinka, Aduunyada waxay Ogaaneysaa in waxa Jira Xaqiiqo tahay hadii  Bulsho rayid Joogto, Laakiin Hadii aysan Bulshada Rayidka aysan Door ku lahayn Doorashooyinka gaar ahaan Korjoogtada oo ahaa kuwii Warbxinta laga dhageysanayey hadii dhinac la isaga Riixo way adkaaneysaa in la helo Doorasho Xalaal ah “ waxay intaa ku dartey

“waxaan u sheegeynaa Madaxda Dowladda, Beesha Caalamka iyo Gudiga Doorashada Dadban waa in la helaa Korjoogto ka socda besha Caalamka iyo Abservers Local ah sida Bulshadda rayidka oo aan ogahay in ay Muddo dheer soo shaqeynayeen in Maanta la yireaahdo kama qayb galeysaan oo Korjoogto kama noqneysaa Doorashooyinka waxaan u arkaa arrin kale oo lagu majin xaabinayo hanaanka Doorashooyinka   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Maill  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here