Mareykanka oo gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah oo weeraray Markab lala xiriirinayo Israaiil

0

Mareykanka ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul ah oo lala xiriirinayo Israa’iil, labo maalin ka hor.

Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarkaas dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder ayaa xusay in Mareykanku uusan meesha ka saarin xiriirka Xuutiyiinta ee isku dayga afduubka burcad badeeda Soomaalida.

“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha bilowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yiri Ryder.

“Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada,” ayuu raaciyay.

Isku dayga Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen maraakiibta gacanka caddan.