Akhriso Khasaaraha hordhca ah ee Qaraxii Maanta oo la soo afjaray

0

Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta ay wada degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaliya.

Labo Qarax ayaa ka dhacay, halkaasi waxaana intaasi ka dib gudaha u galay dagaalyahano katirsan Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in la toogtay raggii weerarka soo qaaday tiradooda aheyd 3 ruux.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in hadda Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan xarunta Wasaaradda.

Labo ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gudaha Wasaaradda.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Maxamed Axmed Ilkacase oo ahaa xoghayihii hore ee Wasiirkii arrimaha Gudaha Odawa, kana mid ahaa Shaqaallaha firfircoon ee Wasaaradda, Ciidan iyo Shacabka ayaa sido kale la sheegayaan in ku jiran dadka dhintay Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Shaqaalle ka tirsan Wasaaradda.

Wili lama hayo tirada Saxda ee dhimashada iyo Dhawaca ka dhashay Qaraxa iyo Weerarka Madataanaha ahaa ee Maanta waxaase jira in Gadiidka Gurmadka deg deg ah ay aad u shaqaynayaaan islamarkana ay tiro Dhawaacyo ah u qaadeen Xarumaha Caafimaaadka