Xasuustaydii 2008 W/Q: Shafici Roraye

0

sanadu waa 2008 da, meeshu waa muqdisho oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo garabsanaya Maleeshiya huwan magaca dawlada oo aan Itoobiyaanka ka absokayn, Koobi Amxaaro, Maryo Calas, Calala Uus iyo magacyo kale ayaa loo yaqaanay,

Suuqa bakaaraha ayaan u soo cararay si aan u helo dhisme Shub ah oo aan kaga gambado Hoobiye sida roobka loogu garaacayay dhamaan xaafadaha ku hareeraysan Suuqa,

kooxo Maqaawino isku bixiyay oo ku wada labista Qamiis Bakistaani ah ayaa dhanka kale shacabka ku dhex milan, inta ay Itoobiyaanku dilaan in le’eg ama ka ag dhaw ayay iyaguna shacabka ka dilaan maalin kasta,

Dadka ay tooska u dilaan waxaa ka badan inta sababtooda u dhimata, xiliyada suuqu ugu mashquulka yahay ayay bartahama suuqa madaafiic ka tuuriyaan, ka dibna Itoobiyaanka ayaa soo bilaaba duqaymo aan jiho lahayn,

maantay waxaa suuqa laga hadal hayaa dad lagu toogtay Iskuulka Xamar Jajab oo muqaawinada ay ku khaldameen, iyo wiil lagu dilay Bac madaxa loo galiyay oo neeftii ku dhajisay, wiilkaa waxaa lagu tuhmay in uu dahab ka xaday xaaska nin maqaawinada madax ka ah,

intii aan soo ordayay anigoo duqaymaha ka gambanaya waxaa dhawr meelood ku soo maray dad dhaawac iyo maydba isugu jira oo aan gargaar haysan, waa intii aan la helin adeega Nationlink ee Ambulance ka,

waxaa iigu darnaa hooyo iyo labadeeda caruur ahaa oo dhaawac halis ah gaaray, ilmaha qaar ayaa lugaha iyo gacmuhu ka go’een, hooyadana wajiga ayaa dhaawac qatar ah ka gaaray,

anigoo ka damqaday foolxumada iyo dayaca qoyskaas ka muuqda ayaan isku dayay in aan gargaar u fidhiyo, laakiin anigii qudhayda ayaa ku sigtay dhimasho ka dib markii gantaal habow ahi inagu soo dhacay, gaari lagu qaado iyo cid i gargaarta ayaan suuqii bakaaraha ka doonay,

Nasiib xumo aad ayaan uga soo daahay sababtuna waxaa ay ahayd hoobiyaha oo socda iyo dadkii oo ka cabsanayay,

40 daqiiqo ka dib ayaan meeshii ku soo noqday, laakiin uguma aanan imaan oo hortay ayaa la qaaday, walow ilmihii midi dhiig bax u geeriyooday,

wajiyada dadka diihaal iyo murugo ayaa ka muuqanaya, labo qof oo wada sheekaysanaya indhahaagu qaban mayaan, guri colaadeed in aad dhex joogto ayaad dareemaysaa,

maqaaxi ku taalay wadada shirkadaha ayaan haaf Cambuulo ah ka dalbaday, intii aan cuntada u fadhiyay meel inoo muuqata oo laamiga badhtankiisa ah ayaa Hoobiye ku soo dhacay, firirkii madfaca ayaa qudhaydii i sigay, dad badan oo meesha ku ganacsanayay ayaa wax ku gaareen,

mayd iyo dhaawac la kala gurayo ayaa ii muuqanayay, anigu dhismaha shirkada Olympic ayaan naftaydii iyo haafkii digirta ahaa kula cararay,

xaalka maantay ma ahan mid aan la yaabanahay, caadi ayuuba ila yahay sababtuna waxay ahayd sidaa ayaa nolol maalmeedkeenu iska ahaa, maantay waxa dhacayaa dhibaato sidaa u sii buuran maba lahan marka la barbardhigo maalmihii ka horeeyay oo sidaan mayd iyo dhaawac u kala guraynay quraxdi inoogu dhacday,

waxaan ku ducaysan jirnay “illaahow kuwii ka sheekeeya inaga dhig” ducadaa ayaa alle ii aqbalay wa anigaa maantay idin kaga sheekaynaya,

dad badan oo sidaa igula ducaysan jiray ayaan eebe u aqbalin oo maantay ciida ka hooseeya,

waxaan u mahad celinayaa eebihii aniga ducadayda ii aqbalay.

sheekadaani waa dhacdo rasmi ah,

Shafici Roraye