QM oo Warbixin Sanadeedka 2017 ee Somalia ku sheegtay Musuq & Xadgudubyo Hareeyay DFS

0

Warbixin ay soo saartay Qaramada midoobay oo ka hadleysay waxyaabaha laga doonayo in dowladda Soomaaliya ay ka gudubto Sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay la degeen Musuq iyo Xadgudubyo Nolosha khatar ku ah.

Xoogaa yar oo horumarro ah ayaa la sheegay in laga sameeyay la dagaallanka Abaaraha, taasoo ka dhalatay Gargaarka Caalamiga ah, Al-Shabaab ayaase sii wada xoogeysiga ay qeybo ka mid ah dalka ku baahayaan, waxaa sidoo kale jira rabshado Michael Keating, oo ah madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidaas sheegay.

“Waxaa ka mid ah Musuq ragaadiyay xafiisyada dowladda, inta badan Siyaasiyiinta oo lagu xadgudbay, iyo Awoodaha Dastuurka oo lagu Tuntay, waxayna horseedi kartaa rabshado,” ayuu ku yiri Warbixin Sanadeedkiisa Soomaaliya.

AL-SHABAAB

Ogaada oo Al-Shabaab waxay baaqi kusii yihiin weerarro ay ka geystaan goobaha Muhiimka ah, Mr Keating ayaa sheegay in howlgalladooda loo fududeeyo kuwa xagjirka ah, waana sabab kale oo muujineysa Musuqa dowladda.

Waxay horseedeysaa dhibaato ka xooggan in 88,000 oo dadka dhibaatada nolosha ah ay heysatay sanadka bishiisii hore ee January 2017 ay gaareen 866,000 bishii November.

GARGAARKA

In ka badan, 6.2 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan Gargaar Bani’aadamnimo, waxaa sidaas Sheegtay Qaramada Midoobay.

“In ka badan kala barkood dadkaas waxaa saameeyay Biya Yarida iyo Cunno la’aanta.”

NUXURKA WARBIXINTA

Waxaa Jira Musuq Baahsan oo Xafiisyada dowladda ka jira, kaasoo saameyn aan wanaagsaneyn yeelan doona haddii aan wax laga qaban, waxaa jira ku takrifal Awoodeed oo loo Adeegsanayo Mucaaradka Aan Hubeysneyn waana qeyb kale oo ka mid ah waxyaabaha ay tahay in laga hortago ama guud ahaanba la joojiyo, si loo helo Soomaaliya ka Hufan Eex iyo Musuq.