Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

0

Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii 17-kii September 2021 dib looga celiyay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Warar ay heshay Mustaqbal waxa ay sheegayaan in Diyaarad gaar ah uu la socday Fahad Yaasiin waxaana safarka ku wehliya xubno katirsan Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka NISA oo ku wehliyay safar uu ku tagay Turkiga.

Fahad waxaa shaqada Agaasimaha ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 6-dii September 2021 kaddib markii Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya uu sheegay in uu ku qanci waayay kiiska Ikraan Tahliil jawaabta uu ka bixiyay.

7-dii September 2021, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu Fahad u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka “kaddib markii uu iska casilay xilka Agaasimihii NISA” sida Villa Somalia ay sheegtay.

Ehelka Ikraan Tahliil ayaa dalbaday in loo maxkamadeeyo xubno uu kamid yahay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ay ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida loo gacangeliyay.

Mustaqbal