Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay ciidanka dowlada

0
A commanding officer issues orders to recently trained members of the Somali National Army (SNA) as they march during their passing out parade at an African Union Mission in Somalia (AMISOM) training facility on the western fringes of the Somali capital Mogadishu August 14, 2012. 660 Somali soldiers who had recently returned from eight months training in Bihanga, Uganda, passed out along with 48 elite commandos, following a display of tactical and security exercises. REUTERS/Stuart Price/Handout (SOMALIA - Tags: SOCIETY MILITARY) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS

Iyadoo mudooyinkii dambe ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaaliya ay ahaayeen kuwo aan mushaarkoodu joogto u qaadan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka soomaaliya.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalaka ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidanka dowlada ay mushaaraadku joogto ugu heli lahaayeen .

Wuxuu tilmaamay in ay la xisaabtami doonaan wasaaradaha kala duwan ee xukuumada lasoo dhisi doono iyo hey’adaha dowlada federaalka , si shaqaalaha dowladu ay xuquuqdooda u helaan.

Xildhibaan C/kiin Macalin Axmed wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in ciidanka dowladu ay helaan xuquuqdooda maadaama sida uu sheegay ay yihiin kuwo difaaca dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Lama oga waxa hadalkan uu ka badali karo mushaar la’aanta hey’adaha kala duwan ee dowlada soomaaliya oo ay ugu horeeyaan ciidamada , inkastoo dowlada uu hogaanka u qabtay Farmaajo ay balan qaadyo u sameysay ciidanka.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here