Gabadhii Aragga La’eyd iyo Saaxiibkeed!! Sheeko Cajiib Ah oo dhexmartay

0

Waxey aheyd gabadh qurux joog iyo jamaal isku darsatay, midab soo jiidasho leh ayuu alle ku maneystay. gabdhaasi waa gabadh araga naafo ka ah waxey dhibsatay nolosha waxey nacday nafsaddeeda waxey kaloo nacday qof kasta marka laga reebo wiil ay jecleyd kaasi oo mar kasta iyada wehel u ahaa .

Gabadhaasi waxey mar walba wiilka ku dhihi jirtay ilaahow ha i dilin aniga oo aan indhaheyga kugu arag weliba aadan ninkeyga noqon.

Gabadhu qoyskeedu waxey aheeyeen kuwa aan waxba heysan oo dan-yar ah, waxyaabaha ay u baahatana waxeyna ku tiirsaneyd wiilkan ay jeceshay oo ka debiri jiray.

Wiilkii wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay sidii gabadhaasi indhaheeda alle ugu so celin lahaa looguna jeexi ama loogu fiiqi lahaa. wuxuu diyaariyay dhaqaatiirtii qaliinka wuxuuna gabadhii ugu bishaareyay in berri alle idimkii indhaha loo fiiqi doono.

Gabadhii waxey gashay qalliinkii waana lagu guuleystay waxeyse go,aan ku gaartay in qofka ugu horeeya ee ay aragto uu noqdo wiilka ay jeceshahay una sabab ah iftiinka adduunkan aragiisa oo ay horay ugu qataneyd.

Wiilkii ayaa yimid maalintii indhaha laga furi lahaa gabadha wuxuu soo galay qolkii gabadha ku jirtay oo xiligaa ay aad iyo aad u faraxsaneyd markii ay maqashay codka gacaliyaheeda ayey tiri ” ditoore iga fur aan arko jaceylkeyga muuqiisa? waa laga furay wiilkii ayaa hadlay wuxuuna ku yiri “Iminka waad aragtaa adduunyada iyo noolaha ku nool ee an aniga ka mid ahay goormaan ka dhiganaa arooska?

Gabadhii ayaa naxdin la suuxi gaartay markii ay aragtay in wiilka uu isaguna aragga naafo ka yahay waxeyna si cad u diidday in aysan guursaneyn oo nasiibkiisa uu meel kale ka raadsado. wiilkii niyadda ayuu ka jabtay wuxuuna codsaday in loo keeno warqad iyo qalin, markii loo keenay, asagoo gacmahiisa gariirayaan ayaa ku qoray warqadda ” Qaali mar haddaad i diiday waxaad ilaalisaa indhahaada” .

Waxaa hadlay dhakhtarkii oo ku yiri gabadhii hadaladan ” gabadhyahay waxaadan ogeyn in wiilkan aad sidaasi u gashay uu kuugu deeqay qeybta araga ee indhahiisa maaddaama adiga qeybtaasi ay kaa dhimatay wuxuu sidaasi u sameeyay waa adiga jaceylkaada in aad jecleyd in haddii aad arki laheyd aad guursan doontid marka gabadheydiiyey ka noqo”.

Laakiin gabadhii uma jixin-jixin illaa ay ku adeysatay go,aankeeda oo ah in aysan guursan wiilkan safamal kasta ha u soo sameeyee. waxeyna ku fasirtay in iyada ay soo martay arag la,aan dhibaatada ay leedahay qofka ay dooneysana uu noqdo mid aan sideedii hore aheyn.

Tani waxey ka mid tahay sida bini’aadamka uu isku baddalo marka nafsaddiisa wax cusub ku soo biiraan kaliya waxaa jira dad aad iyo aad u yar oo xusuusan noloshoodii hore xitaa haddii ay aheyd mid aad iyo aad u xanuun badan.

Dulucda sheekada: Walaal xaalad kasta oo aad ku jirto ha noqon qof buriya ballanta. hana noqon qof xaalad badasho, ku kalsoonow allahii ku abuurtay isagana talo saaro addoomahiisana dabeecad wanaagsan kula dhaqan.

W/Q Siciid Xagaa
sxagaa@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here