Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo Puntland soo dhawaysay

0

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Boqol iyo Toban Askari oo ay sheegtay in ay ka soo goosteen Maamulka Somaliland.

Ciidamadan ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan Jiida hore ee Dagaalka, kuwaasi oo si aad ah u soo dhaweeyay.

Ciidamadan ka soo goostay Maamulka Somaliland ayaa ahaa Ciidamada Guutada Gacan Libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Farawayne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ciidankan, ayna qeyb ka noqon doonaan hujuunka dagaal ee ku wajahan Somaliland.

Dhinaca kale Taliye kuxigenka guud ee ciidanka Puntland General Saciid Shoobe ayaa sheegay Ciidankan in ay ka shaqeyn doonaan nabad gelyada, wuxuuna tilmaamay in diyaar u yihiin iska difaacida dagaal kaga yimaada Somliland.

“Waxaan adinka soo dhaweyneynaa Puntland, maadaama aad ku soo biirteen Ciidanka halgalnka ugu jira difaacida dalkooda, garashada aad garateen inaad dalkiina difaacdaan waan adinku hambalyeyneynaa, gacmo furan ku soo dhawaada.” Ayuu yiri Taliye Saciid Shoobe.