Sunday, April 28, 2024
Home Wararka Maanta Deg deg qaar kamid ah Musharixiinta G/G/Shacabka oo qarka u saaran inay...

Deg deg qaar kamid ah Musharixiinta G/G/Shacabka oo qarka u saaran inay Tanaasulaan

0

Doorashada waxaa u taagan ilaa 11-Musharax oo kasoo jeeda Beesha digil iyo Mirifle, musharixiinta ayaana isugu jira kuwa saameyn badan leh iyo kuwa magac u yaal ah oo kaliya doonaya in diiwaan u galaan in doorashada ka qeyb galeen.

Musharaxiina qorsheenaya on ay tanaasulaan ayaa ku fashilmay in codka kalsoonida ka helaan Xildhibaanada saaxiibadood ah, waxa ayna qaarkood go’aansadeen in doorashada ka haraan si aysan codad aad u yar u helin ceebna aysan ku noqon.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ugu cad cad ilaa sadex musharax kuwaa oo midkood doorashada kusoo bixi doono, waxaana saakay ololihii ugu dambeeyay ka socdaan Xarunta golaha shacabka iyo qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho.

Doorashada ayaana laga cabsi qabaa in dhoor wareeg noqoto hadii aysan Musharaxiinta qaarkood aysan tanaasul sameyn, waxaana doorashada maanta korjoogto ka noqon doonin beesha caalamka iyo Ururada bylshada.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com