Maamulada Galmudug iyo Puntland oo iska kaashanaya Amniga

0

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab,kadib kulan ay yeesheen Wasiirada Amniga labada maamul goboleed.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ciidamada dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku raacay sidii wada jir la isaga kaashan lahaa sugida amniga labada maamul.

Sidoo kale,Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga iyo iskaashi laga sameeyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana hal meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ka shaqeyneysa amni darro.

Kulankan ayaa waxaa uu dhacay xilli ay dagaalamayaasha Alshabaab la wareegeen magaalada Bacaadweyn oo ah meel isitiraatiiji ah kana tirsan dowlad goboleedka Galmudug.