Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdi ka socday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Tinna Intelmann

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdi ka socday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann,

Wefdiga ay hoggaamineysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann ayaa kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Axmed Madoobe ayaa wakiiladan heerka Beesha Caalamka la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.

“Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.” Sida lagu yiir qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka lagaga samata bixinayo.

Kulanka ayaa imaanaya xilli Dalk ay ka jirto ABaar aad u daran taas oo saameyn ku reebtay Dadka iyo duunyada. Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay 21 Febraayo 2022 Guddiga Gurmadka Abaaraha, asiga oo kulan la qaatay maalintii shalay.