Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladda abaaraha dalka.

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala shiray Beesha Caalamka xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda oo shirguddoominayay shirka Gurmadka Abaaraha ayaa ku booriyay Beesha Caalmaka in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. Sida lagu yir Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka warbixiyay xaaladda abaarte eek a jirta ayaa sheegay in ay dalka ka jirto abaartii ugu darneyd ee dalka ka dhacdo ka dib abaartii macluusha aheyd ee dalk ka dhacday 2012.

“Saddex xilli roobaad oo is-xiga yaa baaqday, taas oo ay keentay in xoolihii iyo beerihii ay ba’aan.” “Waxa ay abaartu saameysa ku dhawaad 6. 9 milyan oo qof, in ka badan 9.5 milyan oo xoola ah, in ka badan 2.6 milyan oo qof wajahaya Biyo la’aan aad u daran, ku dhawaan Nus milyan (500,000) ayaa maalmihii la soo dhaafay abaar darted deeganadii ugu  baro kacay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka warbixinayay xaaladda guud ee abraaha.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa carrabka ku dhuftay haddii ay sidaan xalaadda ku sii socotay halis loogu jiro macluul.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay dalku ka jirto abaar aad u daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada.