(Akriso ) puntland oo qaaday tilaabo cajiib iyo 7 markab oo sharciyo ay siiyay

0

Maamulka Puntland ayaa sharciyo waxay siiyeen maraakiin  laga leeyahay dowlada Jabuuti kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 7 markab sida uu sheegay wasiirka wasaaradda kallumeysiga iyo kheyraadka Badda ee maamulka Puntland.

C/nuur Cilmi Biindho Wasiirka wasaaradda kallumeysiga Puntland wuxuu sheegay in maraakiibtan 7-da ah ee ay sharciga siiyeen ay ka kalumeysan doonaan qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaas.

Wuxuu sheegay in dowlada Jabuuti maamulka Puntland ay iska kaashanayaan dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Puntland.

Lama oga in heshiiskan ay wax ka ka ogtahay dowlada cusub ee soomaaliya  hayeeshee mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay heshiisyada mamul goboleedyada ay la qaadanayaan dalalka kale, iyo hey’adaha shisheeye.

Dowladda Jabuuti wali kama aaney hadlin heshiiska Puntland ay sheegtay inay sharciyeysay kaas oo ku qotoma kaleysiga qeyradka Puntland.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here