Somalia: 26 qof oo gaajo iyo macluul ugu geeriyooday deegaanada Jubaland.

0

Kudhawaad 26 Qof ayaa Haraad iyo Gasiin ay cunaan awgiis ugu geeriyootay deegaano ku yaalla Jubbaland oo Koonfuta Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisey BBC WORLD SERVICE iyadoo soo xiganeysay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Abaarta ka jirta qeybo ka mid ah Gobollada Soomaaliya ayaa waxay ka dhalatay Roobkii la sugayey oo xilligiisa aan ku da’in taasi abaarta ay salkicisey Boqolaal xoolo dhaqato ahaa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay 36-dii Saac ee lasoo dhaafay in 26 qof ay Gaajo iyo Biyo la’aan ugu geeriyoodeen Deegaanada Jubbaland,sida uu sheegayo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Waxa uu ku baaqay in deg deg Gar gaar loola soo gaaro dadka Gaajada ku heysato deegaanadaasi.

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres,oo bishaan gudaheeda yimid Soomaaliya waxa uu sheegay in ugu yaraan lix milyan oo qof ay ubaahan yihiin gar gaar in lala gaaro.

Xoolo badan ayaa ku le’day Abaarta waxaana sidoo kale jira in Webiyadii biyaha laga cabi jiray ay gureen oo ay ceelashiina ay biyo yareeyeen.

Boqololaal qoysas ah ayaa iminka kasoo tagay deegaanadooda Jubaland kuwaasi oo barakac ku ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ah goobta marti gelisay inta ugu badan dadkii abaarta kasoo cararay.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here