Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Baydhabo u tagay u kuurgelidda Xaaladaha Bani aadamnimo ee Koofur Galbeed.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed u tagay u kuurgelidda xaaladaha bani aadamnimo ee Dowlad-Goboleedkaas.

Fiqi waxa uu la kulmayaa Madaxda DG Koofur Galbeed, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedkaas & mas’uuliyiin kale si uga xog-dhageysto xaaladaha Bani aadamnimo & doorka Xukuumadda ay ka qaadaneyso wax u qabashada Dadkaas.

Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa ku yaalla Xeryo loo dhisay Dadka kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Gobollada Bay & Bakool.

Xeryahaas qoysaska ku nool waxa ay u baahan yihiin Raashin & Biyo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan DG Koofur Galbeed, waxaana kormeer qiimeyn ah ku tagay madax ka kala socota Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.