Xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya Arrinta DP World

0

Mudaneyaasha Aqaka Sare ee Baarlamaanka dalka ayaa waxay maanta ka doodi doonaan, Xeerkii uu Aqalka hoose usoo Gudbiyay ee Shirkadda DP World looga mamnuucayay in ay dalka kasii shaqeyso.

Aqalka Sare ayaa shalay loo qeybiyay Xeerkii ay maalin kahor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaanay shalay u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen weerarkii lagu qaaday Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), balse maanta ayay mar kale ka doodayaan arrinta DP World.

Mudaneyaasha Aqalka Sare ee dalka ayaa go’aanka ay qaataan, waxaa loo gudbin doonaa Xukuumadda iyo Xafiiska Madaxweynaha oo go’aanka u dambeeya qaadan doona.