Nicolas Maduro oo noqday Madaxwaynaha Cusub ee Venezuela

0
El presidente de Venezuela Nicolás Maduro habla en una reunión con una comisión de la Unión de Nacionales Suramericanas, Unasur, en el palacio de gobierno en Caracas Caracas, Venezuela, el martes 25 de marzo de 2014. Maduro informó que tres generales que pretendían dar un golpe de estado fueron capturados y llevados ante los tribunales militares.(AP Photo/Fernando Llano)

Dowladda  Venezuela ayaa ku dhawaaqday in doorashaddii Madaxtinimadda ee ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Nicolas Maduro.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in 67.7%. codadkii  la dhiibtay uu helay Mr Maduro.

Ka hor inta aan natiijada la shaacin, ayaa musharraxii mucaaradka, Henri Falcon waxa uu sheegay in aanu aqbali doonin guusha Maduro, maadaama la musuq maasuqa doorashada sida uu sheegay.

Guushiisa ayaa ahayd mid la filayay ka dib markii ay axsaabta ugu waaweyn mucaaradka dalkaasi ay qaadaceen doorashada.

Dadka u soo baxay doorashada ayaa la sheegay in ay tiradooda ahayd 46%.

Dalka Venezuela ayaa waxaa imika ka jira dhibaato dhaqaale oo uu heerkeedu sareyo.