DAAWO:- Ciidanka Puntland oo bilaabay howlgalkii ugu balaarnaa bilaabay

0

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay aad u adkeeyey amaanka guud ee magaalada Boosaaso, waxa ayna sameeyeen howlgalo laga fuliyey gudaha magaalada & sidaas oo kale Buuraha Caalmadow oo ay ciidamadu saacad kasta ka fuliyaan howlgalo deg deg ah.

Ciidamada ayaa heegan sarre la galiyey, waxaana maalmihii u dambeeyey la helayey xogo la xariira in ay jiraan Maleeshiyaad ka tirsan kooxaha ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Galgala oo meelo isku aruursaday.

Ciidamada ayaa ka jawaabay Is urursigan, waxa ayna qaadeen howlgalo ay ku tageen goobihii lagu sheegay, iyadoo kooxahaas ay ka carareen aagagii lagu tuhmayey.

Dawladda Puntland ayaa sheegtay in ay saacad kasta la dagaalamayso Kooxaha xagjirka ah, ayna talaabo ka qaadayaan meel kasta oo ay ku jiraan.

Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in ay Puntland iskaga filan tahay cadow kasta oo ku soo duula, wuxuuna sheegay in ay uga baahan yihiin Caalamka in ay balaariyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Puntland waxay hardan adag oo dagaal kula jirtaa Ururo xagjir ah oo hadda labo u kala jaban, waxaana dagaaladii u dambeeyey ciidamadu ay kula wareegeen Saldhigii uu lahaa Ninka hogaaminaya kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Cabdulqaadir Muumin, kaas oo ay ka heleen agabyo badan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxahan.

HALKAAN KA DAAWO 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here