SAWIRO: Madaxweynaha Maamulka Jubba oo xaflad sagootin Kismaayo ugu sameeyay xildhbaanada aqalka are iyo aqalka hoose

0

(XOGDOONNEWS.NET):-Xildhibaanada Soomaaliyeed ee aqalka sare iyo aqalka hoose islamarkaana laga soo doortay Gobolada Jubooyinka iyo Geddo ayaa xaflad sagootin ah waxaa loogu sameeyay Magaalada Kismaayo.

Xafldaan oo ahey mid si fiican loo soo diyaariyay ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’isulwasaare Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo xaflada oo qaban qaabyay.

Xildhibaanada cusub ee la soo doortay iyo xubno ka tirsan maamulka Jubaland ayaa iyaguna ka qeybgalay xaflada taasoo si qurxoon u dhacday ,waxaana hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Maxamed Cumar Carte .

Gudoomiyaha Gudiga dorashooyinkii ka dhacay Kismaayo ayaa ka hadlay marxaladihii ay soo mareen intii ay ku jireen doorashada isagoo aad u amaanay madaxda maamulka Jubaland sidii ay gudiga u gacam siiyeen.

Madaxweynaha Maamulka Jubba oo khudbad jeediyay ayaa kula dardaarmay xildhibaanada inay midoobaan islamarkaana aysan qaadan wax laaluush ah marka loo codeynayo baarlamaanka iyo madxweynaha.

Axmed Madoobe wuxuu dhanka kale sheegay in xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ay sameysteen hal dalad oo mideysta islamarkaana ay ka wada arinsan doonaan wixii dhibaato ah ee soo wajaha xildhibaanada.

“xildhibaanadiina waxaan dhul idinka siineynaa Kismaayo ,si Dowladu idinku dhisto guryo idin qaas ah oo aad ku nasataan markii loo baahdo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu danbeyn waxaa xaflada ka hadlay Ra’isulwasaare Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib kaasoo amaan kala dul dhacay Kismaaayo isagoo xusay inay tahay meel wax fican laga baran karo.

XAFIISKA SHABAKADA WARARKA XOGDOONNEWS.NET
MUQDISHO-SOMALIA

j12 j11 j10 j9 j8 j7 j6 j5 j4 j3 j2 j1 j

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here