Madaxweyne Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga…

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay mowqifkiisa ku saabsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Markii uu ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya inta laga dhisayo ciidamo Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Ciidamada AMISOM iyo beesha caalamka, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya markii ay dhisato ciidamo Qaran ay u mahadcelin doonaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayna sagootin doonaan.

 

Ololaha madaxweyne Farmaajo ee doorashada ayaa ku saleysnaa in ciidamada AMISOM ay dalka ka bixi doonaan, isla markaana la dhisi doono ciidamada Soomaaliya oo la tayeyn doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here