Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Boqorka Sacuudiga.

0

Warbaahinta Dowladda iyo Baraha Bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu baahiyay sida ay ula qeyb saneyso Dalka Sacuudiga murugada geeridii gashay qoyska reer boqor ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Maxamed ayaa Fariin tacsi ah u diray Qoyska Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga tacsiyeeyay Alle ha u naxariistee Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ku geeriyooday Dalkaasi.

Barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo qoray tacsida Madaxweynaha isagoo sheegay in uu la qeyb sanaayo murugada geerida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga Twitter-ka rasmiga ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.