Mas’uul Uxirnaa Maamulka Soomaaliland oo Xabsiga ku dhex Geeriyooday

0
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah ganacsatada ugu caansanaa Magaaladaasi.

Gudoomiyihii Sarifleyda Hargeysa Cabdullaahi Cali Barre ayaa maanta geeriyooday kadib Xabsi uu saacado ugu jiray Ciidanka Amaanka Soomaaliland.

Waxa la sheegayaa in Shalay Xabsiga loo taxaabay Marxuumkaan maanta dhintay kadib muran soo kala dhex galay iyaga Sarifleyda ahaa iyo Maamulkaasi.

Maamulka Soomaaliland waxaysan weli ka hadlin geerida ku timid Gudoomiyihii Sarifleyda Hargeysa.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaliland ayaa waxay ka tacsiyadeeyeen geerida Marxuum Barre ku timid taasi oo ku dhex xanuunsaday Xabsiga kadibna Cusbitaal la sheegay loo qaado saakana ruux baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here