Maxaa ka soo baxay Shirkii Deg dega ahaa Ee Urur Goboleedka IGAD”Akhriso”

0

Shirkii Madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka furmay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lasoo gabagabeeyay , waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Suudaanta Koonfureed .

Qodobada kasoo baxay Shirka oo ka koobnaa 24 qodob ayaa  waxaa ka mid ahaa Baaq deg deg ah oo loo diray Kooxda Mucaaradk ah ee Suudaanta Koonfureed , kasoo ku saabsanaa in ay qaataan Xabad joojinta uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalkaasi.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in la qaado tilaabo deg deg ah oo loogu gurmaanayo dadka kunool Suudaanta Koofureed ee ay Saameeyeen dagaalada ka socda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ah Madaxa IGAD ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in hoggaamiyeyaasha Suudaanta Koonfureed ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Dhammaan Madaxdii Shirkii IGAD ka hadashay  ayaa tilmaamay inaysan habooneyn  in indhaha laga qarsado dhibaatada ay geysanayaan Mucaaradka.

Waxaa Shirkaasi Soomaaliya ugu qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.