R/wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay hadlay howlgalada ciidanka dowlada

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ciidamada Dowladda ee hormuudka ka ah howlgalada ka dhanka ah Shabaab inay il gaar ah u yeeshaan Ajaanibta Shabaabka la joogta.

Cali Maxamed Geedi, wuxuu sheegay Al Shabaab inuu galabkoodi sii dhacaayo, islamarkaana ay yihiin naf la caari sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay ciidamada Xooga dalka Somaliyed iyo kuwa Amisom howlgalada ay ka wadaan Gobolada dalka Somaliya inay yihiin kuwa guulo laga gaaray oo Shabaabka ay  ku jabeen.


“Waxaan rajeynayaa in la ciribtiro kuwa Ajaanibta ah ee Shabaabka la jooga oo aysan fakan, kuwa la marin habaabiyay ee Somaliyedna ay ka soo noqdaan oo ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan ciidamada Qalabka sida iyo Dowladda Somaliyed.” Ayuu yiri Geedi oo ka hadlaayay Kulan lagu taageerayaayay ciidamada Xooga dalka oo Muqdisho ka dhacay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sidoo kale muujiyay taageerada ay u hayaan howlgalada ka dhanka ah Shabaabka isaga oo tilmaamay in halganka uu gabo gabo maraayo.

“Howlgalada ka socda dalka oo dhan oo ay hogaaminayaan ciidamada Qalabka sida iyo Madaxdooda, Dowladda Federalkana ay garab taagan tahay iyo shacabkooda waan u hambaleynayaa, waxay ila tahay gabo gabo ayuu joogaa halganka, nimanka UGUS la dhaho ee Gobolkooda sii dhacaayo, waxaan rajeynayaan inuusan saacado u harin.” Ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa wada guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab ee Gobolada dalka ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here