Shir weyne looga hadlayo Xaaladda Dhallinyarada oo ka Muqdisho ka Fumaraya

0

Muqdisho waxaa maanta ka furmaya Shirweynaha Siyaasadda Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana sida qorshaha uu yahay ka qeyb gelaya Dhallinyarada dalka Gudihiisa jooga iyo kuwo dibadda ka imaanaya.

Madax ka tirsan dowladda Federalka ah, Ururro Caalami ah iyo marti Sharaf kale ayaa ka qeyb geli doona Shirka, iyadoo laga soo saari doono qodobbo muhiim u ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhallinyaro badan oo ka imaanaya dalka Dibaddiisa ayaa si is dabajoog ah maalmihii u dambeeyay usoo gaarayay Muqdisho.

Siyaasadda dhallinyarada ayaa dhowaan waxaa Ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Talooyin la xiriira isla siyaasaddaas la Ansixiyay isku dhaafsan doona Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba jooga.