Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ammaanka magaalada gaar ahaan dhinaca Koofureed aad loo adkeeyay kadib qaraxii qasaaraha weyn geystey ee shalay ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hakad geliyeen dhammaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, iyaga oo ka bilaabay howl-gallo ballaaran.
Sidoo kale dadka ayaa lagu wargeliyay in inta ay socdaan baaritaanada in aysan ka soo bixin guryahooda, iyada oo ay ciidamadu dhex socdaan xaafadaha magaalada.

Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa habeekii xalay aheyd ku booqday Isbitaalka dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadka dhaawacyada kala duwan kasoo gaareen Qaraxaas, isagoo inta dhimatayna Alle uga Baryay in Janatul Fardowsa ka Waraabiyo.

Waxaa lagu wadaa in maanta Muqdisho loo soo qaado qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada daran ee ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab waxaana ku dhintey qaraxa ciidamo iyo dadweyne waxaana ka mid ahaa taliyihii ciidanka qeybta 21-aad Cabdicaiis Cabdullaahi Qooje, Tailiyihii DANAB ee Galmudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale.