COOPERAZIONE INTERNAZIONALE (COOPI) oo idiin soo gudbineysa fariin caafimaad (COVID19)

0

FARIIN CAAFIMAAD

ISKA ILAALI CUDURKA CORONA VIRUS (COVID19) – QEYBTA AFARAAD

WAXYAABAHA LA DOONAYO INAAD KA OGAATO CAABUQA HALISTA AH EE COVID19

Sidee dilaa u yahay Coronavirus?

Cornonavirus “aad buu faafaa, laakiin dhima- shadiisu way yar tahay”

Heerka dhimashadu waxay u dhaxeysaa 2-3%. Aad bay uga yar tahay dhimashada cudurradii horay u dillaacay sida SARS oo dillaacay 2003 oo heerka dhimashadiisu ahayd 10% ama MERS oo dillaacay 2012 oo dhimashadiisu ahayd 35%. Khatarta dhimashadu waxay kaliya sarreysaa dadka da’da ah (wixii ka sarreeya da’da 60 sano) iyo dadka xaaladaha kale ee caafimaad leh.

Haddaba maxay tahay cabsida badani?

Waxay tahay cabsida ugu badan ee cudurkan laga qabo iyadoo aysan jirin xaqiiqooyin la hubo oo cudurkan ku saabsan iyo wararka been-abuurka ayaa abuuray argagaxan. Arrin- ta ugu muhiimsan waa marka uu Fayraska cusub yahay, ma ogaan karno sida uu dadka u saameyn karo.

Miyaan dhimanayaa haddii uu cudurkani igu dhaco?!

 

Ku dhowaad 80% dadku waxay muujiyaan astaamo fudud oo cudurka ah, wayna ka bogsadaan cudurka laba toddo- baad gudahood.

Astaamaha inta badan waa la daaweyn karaa haddii daryeel caafimaad dhaqso lala gaaro.

 

Sidoo kale carruurtu halis miyay ugu jiraan Fayraska corona?

COVID-19 wuxuu u egyahay mid aad ugu yar, uguna fudud carruurta.

Xanuunnada uu keeno coronavirus way fudud yihiin guud ahaan, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada

Kaliya in ka yara badan 2% inta laga helay cudurkan ayaa ka yar da’da 18 sano. Tiradaasi, in ka yar 3% ayaa laga helay astaamo halis ah ama daran.

 

Yaa u xanuunsada, sideese loo xanuun- sadaa?

Dadka da’da ah waxay laba jeer u badan tahay in ay qaadaan xanuunka daran ee COVID-19.

Haddaba, waa sidee sida saxda ah ee uu ku faafo Coronavirus?

Qofka qaba cudurkan wuxuu gaarsiin karaa qofka fayow.

o Iyadoo uu u sii marinayo indhaha, sanka iyo afka dhibco kasoo baxaya qofka marka uu qufacayo iyo marka uu hindhisayo.

o Ku dhawaanshaha qofka qaba xanuunka.

o Taabashada oogada uu gaaray Fayraska, waxyaabaha, ama aaladaha gaarka loogu isticmaalo.

Xanuunka coronavirus ma laysugu gudbin karaa cuntada?

Maya.

Waayo weli lama hayo caddeyn sidaa ah.

Waayo-aragnimada laga dhaxlay Fayrasyada kale ee corona sida SARS iyo MERS waxay sheegayaan dadku inaysan isugu gudbineynin xannuunadaan dhanka cuntada.

 

LA SOCO WAXA AY ASTAAMAHAAGU YIHIIN.

Coronavirus waxa uu kuu keeni karaa astaamaha sida qandho, qufac, neefsiga oo yaraada. Waxa uu badanaa la mid noqon karaa qufaca caadiga ah ama hargabka waxaana laga yaabaa inuu soo muuqdo 2-14 maalmood. Sida uu u daran yahay xanuunku way ku kala duwan yihiin dadku, iyadoo qaar u ladifan yahay, qaar kalena u daran yahay.

Haddii aad dareento qandho, hargab ama dhuun xanuun, ha argagixin. Sii naftaada daryeel fiican.

 

Ka hel macluumaadkaaga ku saabsan COVID-19 ilo laga kalsoon yahay sida Waaxda Caafimaadka iyo baraha internetka ee Hay’adaha Caafimaadka. Ka taxaddar ilaha kale, gaar ahaan kuwa ka hadla daaweynta COVID-19.

Haddii aad wacyigelin caafimaad u baahanto Wac numberka gaaban ee 449

 

Fariintaan waxaa si wadajir ah idiin soo gudbiyey hay’ada COOPI oo la kaashaneysa hay’adda samafalka ee CANADA