AKHRISO: MD Xaaf oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirada & Wejiyo cusub oo ku jira

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa casir liiqii maanta isku shaandheeyay Golihiisa Wasiirada cusub ee maamulkaasi.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 22 Wasiir, 22 Wasiir Kuxigeen iyo Sideed Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 52 Wasiir.

Wasiiradan oo in mudo ahba la sugayay ayaa 70% waxa ay yihiin Wasiiradii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirada soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga Cusmaan (Taardhuleed), Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo Wasiiro kale.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa Saxaafadda u akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ka codsaday inay codka kalsoonida siiyan Golaha Wasiirada, si ay u dardar geliyan shaqada adag ee hortaala.