Beledweyne: Maamulka iyo Ganacsatada oo ku heshiiyay in la qaato Lacagta Shilin Soomaaliga ah

0

Maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu dhowaanahan weday qorshe uu ku doonayo in lagu socodsiiyo lacagta Shilin Soomaaliga oo ay Ganacsatada degmadaasi diideen July Sanadkii hore.

Guddoomiyaha degmada ee Cusub ayaa wuxuu Ganacsatada kala hadlay sidii lacagtaas looga qaadan lahaa Beledweyne, waxaase jiray in heshiiska ay qeyb ka aheyd in aan la qaadan doonin lacagta laga Adeegsado deegaannada Puntland ee aan laheyn Saxiixii hore ee Dowladdii dhexe.

Maamulka ayaa ku bogaadiyay Ganacsatada in ay aqbaleen Arrintaas, wuxuuna sheegay in wixii ka dambeeya maanta aysan jiri karin in magaalada Beledweyne laga diido lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Diidmada Shilin Soomaaliga inta ay socotay waxaa khatar badan gashay nolosha dad badan oo reer Beledweyne ah, kuna tiirsanaa ka ganacsiga waxyaabaha yar-yar ee aan Dollar-ka loo adeegsan karin.