DAAWO SAWIRO BADAN: Zako qeybinta Alshabaab ee Gobolka Galgaduud

0

Sida maanta lagu soo daabacay warbaahinta taageerta Alshabaab dad badan oo ku dhaqan meelaha alshabaab ka heysto Gobolka Galgaduud ayaa maanta loo qeybiyay zakada taasoo ahayd xoolo nool gaar ahaan ariga.

Warbixinta Alshabaab ay soo qoreen ayaa sidan u qorneyd:

Maktabka diiwaanka zakada ee wilaayada Islaamiga Galgaduud ayaa maanta howlo zako qeybin ah ka sameeyey WI Galgaduud, taas oo ay ka faa’ideysteen qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladaasi.
Zakada maanta la qeybiyey ayaa ahayd kaliya Zakada xoolaha nool gaar ahaan ariga, waxaana loo qeybiyey qoysaska taagta daran ee ku dhaqan magaalada.
Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud ayaa goob joog ka ahaa fagaaraha lagu qeybinayey Zakada, kaas oo qof waliba gudoonsiinayey xoolaha loo qoondeeyey.
Qaar ka mid ah dadka loo qeybiyey xoolaha ayaa dhankooda aad u soo dhaweeyey xoolaha la siiyey, waxayna Mujaahidiinta ugu duceeyeen in Allaah uu makansiiyo dhulka, sidoo kalena uu ka guuleeyo cadowga soo duulay.
Dadka ayaa lagu qiimeeynayey qof waliba iyo xaalkiisa, waxaana badankood la siinayey ugu yaraan shan neef, halka qaar kalena la siiyey laba ilaa saddex neef oo ari ah.

z z1 z2 z3 z4 z05 z5 z6 z7 z8 z9 z10 z11 z12 z13 z14 z15 z16 z17 z18 z19 z20 z21

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here