Donald Trump oo Arin Xasaasi ah kala Hadlay R/wasaaraha Isra’el Netanyahu

0

Madaxweynaha Cusub Ee Waddanka Mareykanka Donald J.Trump ayaa waxa uu ballan Qaaday inuu ka dhabeyn doono qorshihiisa ah inuu caasimada Yuhuuda ka dhigayo Magaalada Quduz.

Donald Trump ayaa ololihiisa doorasho markii uu ku jiray kala hadlay Madaxda Isra’el inuu Quduz Caasimadooda ka dhigayo lagana badelayo Magaalada Televiv.

Qadka Taleefoonka ayaa waxa xalay kuwada hadlay Madaxweyne Trump iyo R/wasaaraha Yuhuuda  Netanyahu iyagoo falan qeeyey arimo dhowr ah.

Shacabka Isra’el ayaa soo dhaweeyey Arinta ah Quduz oo Dhulka Falastiiniyiinta ah looga dhigo Caasimadooda taasi oo labada Mas’uul ay isla soo hadal qaadeen dhaqan gelinta Ballan qaadkii la sameeyey.

Trump ayaa ku casuumay Washington DC inuu tago R/wasaaraha Isra’el isna uu ka aqbalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here