Faa Faahin: Al-shabaab oo Qaraxyo Xoogan la beegsaday Ciidanka Itoobiya

0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, oo halkaas ku sugan.

Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow kuwaas oo sahay ugelbinayey ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah ayna jirto khasaare gaaray ciidamada Itoobiyaan oo aan la ogeyn inta ay la egtahay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraalo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegtay in 40 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho ama dhaawac yihiin.

M ajirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab.