Xiisad Dagaal oo Galmudug & Puntland Udhaxeysa oo ka taagan Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Xiisad Dagaal halkaasi ay ka taagan tahay.

Arintaan ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in Xoolo dhaqato kusugan Gobolka Mudug Bariga deegaano kaga beegan ay xoolo kala dhaceen.

Maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada ah Ee Is Haya ayaa waxay kasoo kala jeedaan Deegaan Ahaan Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana socota waan waan lagu joojinayo Xiisadaasi.

Dhowr neef Geel ah ayaa lagu kala dhacay Deegaanada Qaar Ee Gobolka Bari markii dambena isku badeshay dagaal gacan ka hadal ah oo khasaaro kala duwan Geystay.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland iyo Galmudug oo ay kaga hadlayaan Xiisada Colaadeed ee ka jirta Deegaaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here