MAQAAL: 5 Wax Oo Laga Yaabo In Aadan Ka Ogeyn Wiilka Laga Sugayo Kooxda Manchester City Ee Leroy Sane

0

Ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Schalke iyo xulka Germany Leroy Sane ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiristiisa kooxda England ee Manchester City.

Shabakadda Ciyaaraha ee Laacibiin.com ayaa dib u eegid ku sameysay heerka uu ka taagan yahay kubadda cagta xiddigan 20 sano jirka ah, waxaana muhiimada xirfadiisa ka baxsan ay tahay inaad wax badan ka barato.

Shan wax oo laga yaabo in aadan ka ogeyn lakiin lagu qiimeeyo 20-sano jirkaan ayaa kasoo baxday dib u eegidii shabakada ciyaaraha Laacibiin.com sameysay maanta.

  1. Inuu u Leeyahay hiddo isboortiga

Leroy Sane waxa uu kasoo jeeda qoyska isboortiga lagu qiimeeyo, waxaana hooyadiis iyo aabbihiis ay soo mareen xirfadaha ciyaaraha ,

hooyadiis Regina Weber-Sane waxay ku guuleystay in ay heer wanagsan ka gaarto qeybta jimicsiga dumarka Germany iyadoo ka qeyb gashay ciyaarihii Olympic, halka aabbihiis Souleyman uu ahaa Xiddig hore ugu soo ciyaaray xulka Senegal, isagoo u ciyaaray dhowr kooxood oo ay kamid yihiin Freiburg, Nurnberg iyo Wattenscheid.

  1. In uu Leeyahay Walaal kubada cagta ka raacay

Walaalkiis Kim, oo 21 jir ah, iyo 13-sano jirka Sidi , waxay yihiin kuwa kusugan qeybta hooseysa ee kooxda Schalke waxay haatan u ciyaaraan xiddigaha 23jirada Germany,

Kim, waa ciyaaryahan khadka dhexe ee daafaca ka ciyaara, waxaana lala barbardhiga qadka dhexe ee kooxda Royal Blues Kevin-Prince Boate.

  1. In uu Leeyahay dhalasho Faransiiska ah

Leroy ayaa ahaa xubin ka mid ah kooxda Germany ee ka qeyb galaya Euro 2016, lakiin waxa uu hal talaabo u jirsaday in uu u ciyaaro xulka France,

20-sano jirkaan ayaa ku dhashay Essen, oo Germany ah, laakiin waxa uu haystaa dhalashooyinka aabbihiis, oo ku dhashay Senegal laakiin kusoo barbaaray France.

  1. cuntada uu ugu jeceshahay

Wareysi uu siiyay FourFourTwo sannadkii hore, markii wax laga weydiiyay waxyaabaha cuntada ugu jecelyahay, Sane ayaa yiri: “Ma aha in aad cabto labo litir oo Coca Cola ah maalin kasta, Waxay kuu tahay dhibaato ,ma jecel.. ,waxaan jeclahay cuntada Penne Carbonara -waxa ay u fiican tahay ciyaaryahanka  “? waa cuntooyinka nafaqada tasoo hore uu u mamnuucay tababaraha City Pep Guardiola, halkasoo sheekada ay ka dhadhaantahay.

  1. Inuu si dirqi ah Dhimasho kaga Badbaaday

Intii uu kujiray xilli ciyaareedkii horumar degdeg lahaa ee kooxda  Schalke , wargeyska German ee Bild ayaa sheegay in Sane uu ku lug lahaa shil baabuur oo ka dhacay jidka A3 oo ku dhow Ratingen-Hosel, inkastoo dhibaato aysan kasoo gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here